Somaliska - Midani waa iskoolka Iswidhishka

Midani waa iskoolka Iswidhishka

Laga bilaabo marka ilmahaadu buuxiyaa hal sano waxa ay ilmuhu aadi karaa iskoolka xanaanada. Iskoolka xanaanadu ma aha qasab. Laga bilaabo xiligga dayrta ee sanadka uu ilmahaagu buuxinayo sadax sano waxa uu ilmuhu xaq u leeyahay iskoolka xanaanada guud. Iskollka xanaanada guud waxa uu ka kooban yahay 15 saacadood asbuuci waana bilaash.

Laga bilaabo da’da 6 sano ardaygu waxa uu bilaabayaa fasalka hordhaca ah. Fasalka hordhaca ah kadib ilmuhu waxa uu bilaabayaa dugsiga hoose ama qaab iskooleed u dhigma. Ardayda u dhaxeeya 6 ilaa 13 sano waxa ay leeyihiin hoyga waqtiyada firaaqada oo ah mid furan kahor iyo kadib waqtiga iskoolka iyo weliba inta lgu guda jiro fasaxyada iskoolka waxayna soo bandhigayaan waxqabadyo macnowayn leh. Khidmada waxa ay ku salaysan tahay daqliga waalidka.

Gudaha Iswedhen waxa aan leenahay waajib iskool, waxay tahay macmaheedu in ay sharci tahay in ardaygu aado iskoolka laga bilaabo fasalka hordhaca ilaa fasalka sagaalaad. Hadii ardaygu xanuunsan yahay waa waajib in ay dhacdaa wargelinta iskoolka maalin walba ee uu ardaygu joogo xaafada. Waxa kaliya ee soo gudbinaya maqnaanshaha jiro waa waalidka ardayga oo keliya. Wargelinada kale ee ka baxsan ma aha ansax.

Dhaqanka iskoolka Iswidhishka waa uu ka gedisan yahay waaya aragnimadaada iskool ee hore. Waxa ay ka dhigan tahay in sharuudo kale iyo filashooyin kale la saarayo ardayga iyo waalidka labadaba.

Waxaan ardayga ka filanaynaa:

  • Waqti ku yimaado
  • Howlihiisa kusoo celiyo waqti
  • Muujiyo xushmad ku aadan hantida iskoolka, macalimiinta, iyo saaxiibada iskoolka.
  • Yahay ka qab qaate fir fircoon inta casharadu lagu jiro, in uu sharixi karo sida uu u fikiray si uu u helo jawaab waxa ay muhiimad la mid ah ugu yaraan leedahay sida jawaab sax u soo helo.
  • Si firfircoon uga qayb qaadanaya howsha kooxda, baaritaanada, iyo wadahadalada. In la wada shaqeeyo si loo gaaro hiigsi.
  • Ka qayb qaato maadooyinka wax qabadka leh sida aqoonta guriga, sawir iyo muusiko. Maadooyinkaas waa muhiim sida kuwa aan wax qabadka ahayn.

Waalidka waxa laga filanayaa in uu la xiriiro iskoolka. Wada shaqayn fiican oo xaafadda iyo iskoolka ahi labada dhinac ayay faa’iido u leedahay. Ha laydin maqlo wax yar ama waynba. La taliyaha ardayga ayaad la xariiraysaan gacanta koowaad.

Shaqada aasaaska qiyamka

Qiyamka aasaasiga ah iyo howsha iskoolka waxay ku salaysan tahay aasaaska dimuquraadiyadda iyo weliba hoggaanka macallinka.

Waxbarashada waa in lagu gudbiyaa salkana ku haysaa xushmad ku aadan xuquuqaha aadamiga iyo qiimaynta aasaasiga ah ee dimuqraadiyadda ee ay bulshada Iswidhishka ku dhisan tahay.dhamaan bini’aadamku waa isku qiime, sinaanta u dhaxaysa ragga iyo dumarka iyo weliba wadajirka u dhaxaysa dadka waa qiimayaasha uu iskooku u muuqanayo oo uu gudbinayana. Waxbarashada iskoolku waa in ay ahaataa mid aan caqiiqdo ahayn. Iskoolku waa in uu u muuqdaa gudbiyaana qiimayaasha iyo xaquuqaha lagu muujiyo heshiiska caalamiga ah ee FN ee ku saabsan xaquuqda caruurta ( heshiiska caalamiga ee caruurta).

Warbixin ku saabsan Iskoolada degmada Värmdö

Iskoolada degmada Värmdö

Degmada Värmdö waxa ay leedahay toban iskool oo degmada leedahay iyo afar iskood u taagan oo iskoolada aasaasiga ah.

Iskoolka hemmestaskolan iyo weliba iskoolka Värmdö skargardskola waxa ka jira fasalo diyaarin ah halkaaso ardaydu ay aadayaan koox waxbarasheed yar qayb ka mid ah iskool maalmeedka. Waqtiga intiisa kale ardaaygu waxa uu aadayaa fasalkiisa wayn.

Iskuxire

Dhamaan ardayda cusub iyo waalidkooda waxay la kulmayan qof ka mid ah iskuxirayaasha degmada si ay uga qayb qaataan naqshadaynta ardayga luqdihiisa hore iyo waay aragnimadiisa iskool. Natiijada naqshadayta waxay iskuulka siinaysaa fursad in uu sameeyo ku meelayn fiican. Iyo waxay xitaa siinaysaa macalinka fursad in uu waafajiyo waxbaraidda heerka aqoonta ee ardayga iyo baahidiisa

La taliye/macalin fasal

La taliyaha/macalin fasal waa xiriirka ugu muhiimsan ee ardayga iyo isku xir u dhaxeeya iskooalka iyo guriga. La taliye/macalin fasal wuxuu la soconayaa horumarka aqoonta ardayga iyo horumarka bulsho ee ardayga. La taliyaha /macalin fasal waxa uu mas’uul ka noqonayaa waxka qabadyada la dejiyey ee ku saabsan baahiyaha qaaska ah ee jira ama iman kara.

Fasalka diyaarinta iyo Iswidhish oo luqada labaada

Fasalka diyaarinta

Arday dhigta fasalka diyaarinta ah waxa uu qayb waxbarashadiiasa ah ka mid noqonayaa koox yar oo waxbarid ah oo ka baxsan fasalka uu ardaygu ka tirsanaa. Ujeedada fasalka diyaarinta waa in ardaygu horumar ka sameeyo aqoon ku filan oo luqada Iswidhiska ah si uu u karikaro in uu la socdo waxbaridda fasalka wayn.arday waxa uu dhiganaa fasalka diyaarinta ugu badnaan 2 sano.

Iswidhish luqada labaada

Arday kaas oo leh aqoon luqadda ah oo ku fillan si uu uga faa’iidaysto waxdhigista fasalka wayn, waxa loo soo bandhigayaa Iswidhishka oo luqada labaada si uu hoos ugu sii daadago una horumariyo luqadda Iswidhishka. Qorshaha maadada ee Iswidhishka luqadda labaada waxa ay la qiimo tahay midda maadada Iswidhishka laakiin waxa ardayga loo qiimaynayaa iyadoo loo tixgelinayo afhooyo kale.

Xiriirka iskoolka iyo guriga

Iskoolaadka degmada waxay kula xiriiraan ardayga iyo waalidkaba iyadoo loo marayo qalab ku salaysan internetka, mid lagu magaabo goobta kulan ee Iskoolka; Schoolsoft. Halkaas waxa aad ku soo wargelinaysaan maqnaashiyaha xanuun awgii, in aad lasoo xiriirtaan la taliyaha/macalinka fasalka iyo in aad kala socotaan horumarka ardayga qaab qiyaasid, qiimayn iyo shahaado ah. La taliyaha/ macalinka fasalka waxa uu gelinayaa Schoolsof waqtiyada wadahadalka horumarka ardayga halkaas oo aad waqti ka balansan kartaan. Wadahadalkaas gudihiisa waxa aad ku ogaan kartaan sida uu u yahay iskoolka, maadooyinka kala duwan iyo hadii idinka waalidka ahi ad qabtaan wax su’aalo ah. Schoolsoft waxa kale oo aad ka heli kartaan warbixinta ku saabsan kulanmada waalidka. Kulamadaasi waa warbixino guud oo ka socota maamulaha iskoolka oo ku socota waalidiinta. Xogta ku gelidda waxa aad ka helaysaan xafiiska iskoolka.

Howl iskoolka kadib

Howlaha waqtiga iskoolka kadib waxa ay kaalmaynaysaa hormuarka luqadda iyo xitaa xiriirka bulshada iyo weliba isdhexgalka. Sidaas daraadeed ayay tahay mid fiican in aad kusii hartid iskoolka adiga iyo asxaabadaada fasalka waqtiga iskoolka kadib. Ardayda yar yar ee fasalka hordhaca illa fasalka sadaxaad waxa loo soo bandhigayaa waqti firaaqo, ardayda waawayn ee fasalada 4,5, iyo 6 waxa loo soo bandhigayaa mid u dhiganta oo lagu magacaabo kooxda. Ardayda kasii waawayn waa ay fiican tahay in ay ka qaybqaataan cayaaraha, tusaale tababar kubadda cagta ah. In la dhaqdhaqaaqaa waa wax u fiican caafimaadka iyo xitaa waxyaalo kale oo wanaaga oo farabadan. Tomtebo oo ku taala dusha hoolka cayaaraha ee Hemmestaskolan waxa ka jira howlo kala gedisan. Kuwaasi ma aha wax iskoolku soo qaban qaabiyey.

Fasax

Ardaydu waxa ay fasax ka yihiin iskoolka xiliyada fasaxa lagu jiro. Baahi fasax ee waqti kale, waa qasab I laga codsado la taliyaha ama maamulaha. Codsi qoraal ah ayaa loo gudbinayaa la taliyaha.

Fasaxa iskoolka inta lagu guda jiro goobta waqtiga firaaqada waxa ay u furan tahay da’da yar yar balse waxa laydinkaga baahan yahay adinka waalidka ahi in aad horay u codsataan waqti fiican.

Kooxda caafimaadka ardayga

Iskool kasta ee degmo eek u yaala degmada Värmdö waxa ka jira koox caafimaadka ardayga oo ka kooban kalkaalisada iskoolka, la taliye, baraha qaaska, macalinka qaaska , hagaha shaqada iyo waxbarashada iyo weliba kusimaha maamulaha. Dhaqtarka iskoolka iyo dhaqtarka cilmi nafsiga ee iskoolka waxay diyaar u yihiin shaqada laakiin kuma meelaysna iskool qaas ah. Kooxdu waxa ay howshoodu tahay in ay dhamays tiraan aqoonta waxbarid ee macalinka iyadoo loo eegayo barashada iyo horumarka ardayga. Si wadajir ah macalinka iyo shaqaalaha kale ee iskoolka waxa ay la shaqaynayaan kooxda si loogu biiriyo ardayga xaalad waxbarasho oo wanaagsan sida ugu suurta gashan.

Foomam lasoo buuxiyo lana keeno

Foomka SOS- foom warbixin oo ku saabsan cinwaanka ardayga iyo waalidka iyo numbarka telefanka. Isla taas waxa laga jawaabayaa su’aalo quseeya caafimaad/aqoon dabaal/sawir. Foomka waa in loo dhiibaa la taliyaha.

Cunto qaas ah- hadii ardaygu xasasiyad awgeed ama sabab diimeed uu qabo baahi cunto oo khaas ah. Foomka waxa loo dhiibayaa la taliyaha

Xilliga firaaqada/kooxda- ardayda fasalka hordhaca iyo fasalada 1-6 waxa ay ka codsan karaan boos hoyga waqtiga firaaqada iyo howlaha kooxda. Foomka waxa loo dhiibayaa la taliyaha.

Kombiyuutar- laga bilaabo fasalka afaraad ardaydu waxa ay amaahanayaa kombiyuuter si qalab waxbarasho ahaana. Ardayda iyo waalidiinta waa in ay si wadajir ah u aqriyaan sharciyada quseeya mudadad amaahada lsocoto iyo weliba saxiixaan heshiiska. Waalidka ayaa ka mas’uul ah. Codsiga waxa loo dhiibayaa la taliyaha.

Barashada afka hooyo- waxa lagu soo bandhigayaa luqado kala duwan si xoogana waa lagula talinayaa. Cilmi baaristu waxa ay muujiyeen in barshada afka hooyo ay ku leedahay saamayn wanaagsan, cad ku leedahay horumarka aqoonta ardayga iyo maadooyinka dhan ee iskoolka. Wax dhigista waxa xukumaya qorshaha koorsada iyo qorshaha maadada ee loogu tala galay maadada. Ardayguna waxa uu qaadanayaa shaaadada maadada.

Codsiga waxa loo dirayaa:

Farstavikens skola/modersmal Bergsgatan 13441 Gustavsberg

Kaaraka baska- waalidka ayaa si iskiis ah uga dalbanaya karaka buska degmada Värmdö . Ardayda degen 4km gudahood u jira iskoolka looma ogolaanayo bus kaar. Hadii aad noqoto mid loo ogolaaday waxa aad buska karaka kasoo qaadanaysaa xafiiska iskoolka.